Maanta waa khamistii la ballammay, waa waqtigii loo qabtay xubnaha Golaha Wasiirrada ee haysta jinsiyadda Kenya inay u hoggaansamaan awaamiirtii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Haddii kale, waxay ku waayi karaan in xilalkooda
Go’aankan wuxuu ka dhashay murankii ka curtay baasaboorrada Kenya ee ay haysteen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Muddo bil gudaheed ah laba mas’uul oo sare oo ka tirsan dowladda ayaa loo diiday gelitaanka Kenya, iyadoo wararku tilmaamayeen inay jireen su’aalo la xiriiray baasaboorrada Kenya ee ay wateen.
Kaddib dhacdooyinkaas, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray xubnaha golaha wasiirada haysta jinsiyadda Kenya inay ka tanaasulaan, haddii kalena ay waayi karaan xilalkooda.
Hal mas’uul ayaa durba u hoggaansamay. Waa Ra’isul Wasaaraha Ku xigeenka labaad. Laakiin maanta…waxaa la wada sugaya go’aanka ay qaadan doonaan xubnaha kale ee Golaha Wasiirrada.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa dib u celiyay baasaboorkiisii Kenya, kaarkiisii aqoonsiga iyo dukumentiyadii kale ee Kenya. Waxaa la warinaya in ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada ay haystaan baasaboorrada Kenya.
Xogahaasi waxay tilmaamayaan in qaar ka mid ah wasiirradaas ay yihiin xubno muhiim ah oo xukuumadda ka tirsan, isla markaana ay ku jiraan siyaasiyiin si dhow ula shaqeeya Madaxweynaha, ama saaxibbo la ah; Hase yeeshee, mas’uuliyiintaas si rasmi ah uma aysan xaqiijin ama u beenin wararka la xiriira jinsiyaddooda.
Haddaba; Go’aankii Madaxweynaha si siman ma loogu dhaqmi doonaa? Mise waxaa jiri doona kuwo laga reebayo, ama iska diidayo? Jawaabta su’aashaas ayaa go’aamin doonta in awaamiirtan ay noqdaan kuwo si siman loogu wada hogaansamo; Ama ay keento dood kale oo ku saabsan isla-xisaabtanka iyo sinnaanta gudaha Golaha Wasiirrada.
