Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday dagaal u dhexeeyayay Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ciidan uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Nishoow oo horay ugu tirsanaa saraakiisha Ciidanka Xooga ee qeybta 60-aad iyo kuwa maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya, kaas oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, xarunta ku-meelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Dagaal oo ka bilowday koonfurta Baydhabo ayaa kusii fiday gudaha magaalada, iyadoo wararku ay sheegayaan inuu salka ku hayo muran dhuleed.
Dad ka badan tirada dhimashada ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen dagaalka, waxaana la dhigay xarumaha caafimaadka. Sidoo kale, waxaa la sheegay in uu go’antahayy isgaarsiinta magaalada iyo deegaannada hoos yimaada.
