Ra’iisul Wasaarihii hore ee Turkiga, Ahmet Davutoğlu, ayaa dhowaan sheegay in Boqortooyada Ingiriisku si weyn ugu hawlanayd dadaallo la xiriira aqoonsiga maamulka Somaliland.
Davutoğlu wuxuu ka warramay dhacdo dhex martay isaga oo xilligaas ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyo dhiggiisii Ingiriiska William Hague.
Wuxuu xusay in wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriisku uu la falgalayay diblomaasiyiin Afrikaan iyo Yurub ah si ay u taageeraan aqoonsiga Somaliland.
asigoo yiri“…Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriisku wuxuu ka dhex ololeynayay diblomaasiyiin Afrikaan iyo Yurub ah si ay u taageeraan aqoonsiga Somaliland”
Davutoğlu ayaa sheegay in arrintan ay dhacday xilli Turkigu iyo Ingiriisku wada guddoominayeen shir ku saabsanaa Soomaaliya, halkaas oo, sida uu sheegay, William Hague ka waday ololahaas. wuxuuna yiri “Markii aan qolka soo galay, ololuhu wuxuu ku dhowaa inuu miro dhalo. Waxaan weydiiyay, ‘William, maxaad sameyneysaa?’ Wuxuu igu yiri, ‘Somaliland waxay leedahay dowlad, amni, baarlamaan iyo ciidan, mana ka jirto argagixiso. Waxay mudan yihiin inay noqdaan dal.”
Davutoğlu wuxuu sheegay inuu uga jawaabay Hague in haddii Ingiriisku aqoonsado Somaliland, aysan jiri doonin wax u diidaya in isla mabda’aas lagu aqoonsado Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus maalinta xigta. Taasi ayaa ah arrin muujineysa muranka iyo xasaasiyadda siyaasadeed ee ku xeeran mawduuca aqoonsiga.
