Magaalada Baydhabo, labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa ka socday kulamo siyaasadeed oo xal loogu raadinayo inaysan dhicin firaaq hoggaamin xilli magaalada si joogto ah u gaarayeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa Baydhaba gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Adan maoobe, Wasiirka diinta iyo awqaafta Mukhtaar Roboow, xildhibaanno golaha shacabka iyo siyaasiyiin ka soo jeedda Koonfur Galbeed.
Ku-simaha Madaxweynaha
Inta lagu jiro marxaladda kala guurka, waxaa si ku meel-gaar ah hoggaanka haya Axmed Maxamed Xuseen—kaas oo uu qalinkiisi ugu dambeeye ku magacaabay Cabdicasiis Laftagareen daqiiqado ka hor inta uusan xilka ka tegin.
Loollanka Gudaha ah
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in madaxda dowladda federaalka ay si weyn u daneynayaan cidda hoggaanka qaban doonta—iyadoo kulamada Baydhabo ay diiradda saarayaan sidii loo gaari lahaa go’aan mideysan.
Si kastaba, weli ma cadda qofka ugu dambeyn noqon doona madaxweynaha ama sii hayn doonto hoggaanka inta madaxweyne cusub laga dooran doono.
Mas’uuliyiinta la hadal hayo ee u daneynaya xilka madaxtinimada waxaa ka mid ah:
• Wasiirka Dekedaha XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur
• Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Xasan Eelay
• Guddoomiyaha Baarlamaanka, Aadan Madoobe
• La-taliyihii hore ee Madaxweynaha ee Dastuurka, Dr. Xuseen Sheekh
• Wasiirka Awqaafta, Mukhtaar Roobow
Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa lagu sheegay inay ka qeyb qaateeen dadaalladii lagu beddelayay hoggaankii hore.
Su’aalaha Taagan
Yay dowladda federaalka taageero ku siin doontaa hoggaanka Koonfur-Galbeed?
Sidee bay u kala dooran doontaa mas’uuliyiinta badan ee isku hamiga ah? Yaa ugu dambeyn noqon doona Madaxweynaha cusub? Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirta marxalad kala guur siyaasadeed—waxaana la aaminsayahay, in go’aamada maanta la qaato ay saameyn weyn ku yeelan doonaan mustaqbalka maamulka iyo jihada siyaasadda dalka.
