Muddo 10 maalmood gudahood, Baydhabo waxay noqotay xarunta xiisad siyaasadeed iyo loollan ciidan oo xooggan, iyadoo tallaabooyin iyo eedeymo isdaba joog ah ay ka jireen maamulka Koonfur Galbeed.
17-ka Maarso, Cabdicasiis Laftagareen ayaa si qarsoodi ah ugu laabtay Baydhabo, wararka ayaa sheegay inuu soo maray Addis Ababa. Isla maalintaas, Koonfur Galbeed ayaa gebi ahaanb hakisay wadashaqeyntii ay la leheyd dowladda federaalka.
18 March – Iscasilaad & Eedeyn
18-ka Maarso, Laftagareen ayaa iska casilay xilkii ku-xigeenka guddoomiyaha xisbiga Madaxweynaha ee JSP, isaga oo si kulul u eedeeyay Dowladda Federaalka iyo Madaxweynahaba. Wuxuuna ku andacooday inay dowladda federaalka la shaqeyneyso Al-Shabaab.
Laftagareen” Dowladii Soomaaliyeed wxay maalmihii ku howlaneed sidii lagu ka irdheyn lahaa, nidaaamka fedraalka loo baabi’in lahaa, iyadoo go aansatay in ciidamadii cadowga la dagaalaayay in la kale qeybiyo garna ay tiraahdo Shabaab aada.”
23 March – Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed
23-ka Maarso, maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay dhismaha guddiga doorashooyinka—tallaabo sii kicisay muranka siyaasadeed iyo khilaafka kala dhexeeyay Dowladda Federaalka.
27 March – Abaabul Ciidan
27-ka Maarso, Dowladda Federaalka ayaa ciidamo geysay degmada Buurhakaba, iyadoo xiisaddu ay sii kordheysay. Ciidama Dowladda iyo kuwa ay deeganada ka abaabuleen mucaaradka Laftagareen ayaa u dhaqaaqay Baydhaba.
28 March – Doorashadii Laftagareen
28-ka Maarso, Laftagareen ayaa mar kale loo doortay madaxweyne, doorashada ayaa ahayd mid dadban. Dowladda federaalka ayaa cambaareysay dorashada.
29 March – Eedeymo Cusub
Maalin kadib, Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Laftagareen inuu xiriir toos ah la leeyahay Al-Shabaab—kadib dagaal ciidamada iyo alshabab ku dhexmaray Deynuunaay.
30-ka Maarso, ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa gudaha u galay Baydhabo, iyagoo si buuxda ula wareegay magaalada.
Laftagareen ayaa xilka iska casilay, isagoo u magacaabay Wasiirkiisii Maaliyadda Axmed Maxamed Xuseen inuu noqdo madaxweyne ku-meelgaar ah, kadibna u safray Nairobi.
Falcelinta Dowladda
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay sida uu Laftagareen uga tagay xafiiska. wuxuu yiri “Ma jeclayn in saaxiibkay wixii ka dhacay Baydhabo lagu xuso CV-giisa, mana rabin inuu ku dhammaado wixii dhacay oo wey foolxumaayen.”
Maxaa Xiga Koonfur Galbeed?
Su’aasha taagan hadda waxay tahay—maxaa xiga Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamo kala duwan ku suganyihiin magaalada Baydhabo?
