Buundada isku xirta deegaanada Sabiib iyo Caanoole, oo ah halbowlaha isku socodka dadka iyo amniga magaalada Mogadishu, ayaa shalay duntay xilli uu dul marayay gaari xamuul ah.
Buundadan ayaa dib u dayactir lagu sameeyay billowgii Diseembar 2025, kaddib markii ay hore u burburiyeen Al Shabaab.
Xarig-jarkeeda dib-u-furista buundada ayaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma, iyo wakiillo ka socday Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Markii dib loo furayay, dowladda ayaa sheegtay in buundadan ay si weyn u xoojin doonto isku xirka bulshada, dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha deegaanka, iyo fududeynta hawlgallada amni ee ciidamada.
Buundadan ma aysan helin dayactir ballaaran oo rasmi ah tan iyo xilligii dowladdii Siad Barre, taas oo loo tiirinayo in dumisteeda hadda ay la xiriiri karto daciifnimo dhanka dhismaha ah.
Buundada Sabiib iyo Caanoole waxay ka mid tahay shan buundo oo istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabellaha hoose, kuwaas oo door muhiim ah ku leh isku socodka dadka iyo gacan ku haynta amniga ee dowladda. Buundooyinkaas ayaa kala ah tan Afgooye, Sabiib iyo Caanoole, Awdheegle, Qoryooley iyo Bariire.