Warfaafinta dowladdu waa inay noqotaa mid hagta bulshada, sharaxda siyaasadda dowladda, isla markaana xoojisa kalsoonida shacabka. Laakiin maalmahan waxaa muuqda wasiirro iyo masuuliyiin dowladeed oo si joogto ah ugu mashquulsan baraha bulshada—mararka qaarna hadaladooda yihiin kajin, jees-jees ama weerarro toos ah.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay wasiirro si toos ah ugu jawaabaya dadka, xubnaha mucaaradka ama xitaa hay’adaha kale. Hadane, Inta badan jawaabahaasi waxay u egyihiin kuwa u muuqday weeraro siyaasadeed. Waxaa xitaa dhacday in masuuliyiin sare ay baraha bulshada isku dhaafsadaan eedeymo iyo jawaabo kulul.
Ma sidaan baa ah siyaasadda cusub ee isgaarsiinta dowladda?
Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu yaabka badnaa ayaa ahayd markii masuul sare uu sheegay inuu tirtiray qoraal uu hore ugu baahiyay facebook-ga, kaddib markii uu sheegay inuu “kala hadlay” Ra’iisul Wasaaraha dalka. Waa kaddib markii ay Israel sheegtay inay aqoonsatay Somaliland, oo xildhibaano iyo Wasiiro deegaan ahaan kasoo jeedo goboladaasi ay ka hadleen qaddiyaddas. Wasiirka Gaashaandhiga, kan beeraha iyo wasiirka maaliyadda ayaa baraha bulshada iksu dhaafsaday edeymo, gabayo iyo jawaabcelinno kulul.
Marka fariimaha dowladda ay gaaraan heerkan, waxaa sii adkaanaya in la kala saaro hadalka rasmi ah ee dowladeed iyo aragtida shakhsiyeed ee masuuliyiinta. Arrinta kale ee muuqata waa maqnaanshaha xaqiijinta iyo hubinta ama fact-checking. Mararka qaar, masuuliyiintu waxay si degdeg ah u baahiyaan hadallo aan si buuxda loo xaqiijin. Tusaale ahaan, markii Wasiirka Gaashaandhigga uu sheegay in Soomaaliya leedahay diyaaradaha dagaalka ee F-16—asagoo xitaa hadalkiisa kasoo dhigay oraah u eg maanso. Waxay qaadatay wax ka yar laba maalmood in hadalkaas dib loo saxo, oo xita Turkidii kasoo jawaabaan.
Qaar ka mid ah bulshada ayaa qaba in tani ay tahay qaab cusub oo isgaarsiinta ah, oo sida nooca Trump, oo ah in siyaasiyiintu si toos ah uga hadlaan baraha bulshada, mararka qaarna ku weeraraan mucaaradkooda ama cid kasta oo ay khilaafaan. Laakiin Doodda ugu weyn ayaa ah: Soomaaliya ma tahay Mareykan? Hay’adaha dowladnimada Soomaaliya weli waa kuwo soo kabanaya, kalsoonida dadweynahuna si fudud ayay u dhaawacmi kartaa. Sidaas darteed, fariin kasta oo ka timaadda masuul dowladeed waxay yeelan kartaa saameyn ka weyn inta laga filayo.
Arrin kale oo muujineysa jahawareerka fariimaha dowladda waa doodda ku saabsan goorta uu dhaqan galayo dastuurka la ansixiyay. Madaxweynaha ayaa dhowr jeer sheegay in dastuurku dhaqan geli doono “teramka dambe.” Laakiin Guddomiye Adan Madobe ayaa sheegay in dastuurku “hadda” dhaqan galay
Hadaba, keebaa sax ah?
Warfaafinta dowladdu ma aha oo kaliya hadal ama qoraal la baahiyo. Waa nidaam hagaya sida dowladda ula hadasho shacabka, ula macaamisho mucaaradka, una sharaxdo go’aamada siyaasadeed. Haddii fariimahaasi isu beddelaan kaftan, weerar ama kajin, waxaa adkaaneysaa in la kala saaro siyaasadda rasmiga ah iyo buuqa ka socda baraha bulshada.
