Deegaanka Buurhakaba, oo qiyaastii 60km u jira Baydhabo, ayaa maalmahan noqday xudunta abaabul ciidan iyo mid siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur-Galbeed.
Wararka ka imaanaya halkaas ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka u jiheysteen dhanka Baydhabo, iyagoo dadaal ugu jira sidii ay u gaari lahaayeen magaaladaDhaqdhaqaaqyada socda ayaa loo arkaa kuwo si toos ah ula xiriira xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Cabdicasiis Laftagareen.
Muuqaallo ay kala baahiyeen labada dhinac ayaa muujinaya baaxadda diyaar garowga—iyadoo dhinac walba uu muujinayo awood iyo isku filnaansho ciidan.
Dhanka siyaasadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa sii waday soo saarista warsaxaafadeedyada ay ku diidan tahay jihada doorashada dadban ee maamulka Koonfur-Galbeed. Wasaaraddu ayaa sidoo kale samaysay magacaabista guddoomiyeyal deegaanno ka tirsan Koonfur-Galbeed—taasoo sii muujinaya heerka khilaafka dowladda ee maamulka Koonfur Galbeed
Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysaa in dalka uu u jiheystay doorasho “qof iyo cod ah,” halka maamulka Koonfur-Galbeed uu u muuqdo mid doonaya inuu qabto doorasho dadban. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur-Galbeed uu horey u saxiixay heshiisyo badan oo la xiriira hannaanka doorashada iyo u gudubka nidaamka qof iyo cod.
“Nin heshiis doorasho nala galay oo aan cadeymo ka heyno ayaa hadda diidaya warkeenna, kuna adkeysanaya doorasho dadban.”
Isku darka abaabulka ciidan iyo is-mariwaaga siyaasadeed ayaa sare u qaaday xiisadda, iyadoo Buurhakaba iyo Baydhabo ay noqdeen meelaha ugu muhiimsan ee isha lagu hayo.
Xaaladdu waxay u muuqataa mid u dhow laba waddo—mid ah wada-hadal iyo xal siyaasadeed, iyo tan kale oo ah iska hor-imaad ciidan oo toos ah.
Yaa tanaasul sameyn doona, yaase ku adkeysan doona mowqifkiisa?
