Dagaal ayaa saaka ka dhacay deegaanka Burijeed ee duleedka Baydhabo, kaas oo la sheegay inuu dhexmaray ciidamada Gorgor iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, halka warar kale ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ay duqeymo ka fuliyeen aagga. Weli ma cadda khasaaraha rasmiga
Iska horimaadkan ayaa imanaya iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayo qaybo ka mid ah gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose.
Warar laga helayo deegaannadaas ayaa sheegaya in ciidamo Gorgor ah ay ku wajahan yihiin deegaanka Owdiinle iyo degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in miino ay haleeshay ciidamo marayay waddada isku xirta Owdiinle iyo Baydhabo.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda ay hawlgallo ka wadaan deegaanno kale oo muhiim u ah isu-socodka ciidamada iyo dadka rayidka ah, gaar ahaan waddooyinka isku xira gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose.
Aaxadii ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ciidamadeedu ay iska horimaad kooban kula galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose
Dowladdu waxay sheegtay in dagaalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, qaar kalena la qabtay.
Dagaalka laga soo sheegay duleedka Baydhabo iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee laga soo sheegayo Baay iyo Shabeellaha Hoose ayaa muujinaya xaalad amni oo weli kacsan ee ka jirta deegaannadaas.
Dowladda weli si rasmi ah uma xaqiijin khasaaraha dagaalka Burijeed, duqeymaha F-16 iyo xaaladda ciidamada ku sugan waddooyinka isku xira Baydhabo, Owdiinle iyo Buurhakaba.
