Muqdisho — Qalalaasaha sii xoogeysanaya ee ka dhashay weerarro wadajir ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israaiil oo lala beegsaday Iiraan, iyo weerarro gantaallo ah oo ay Tehran kaga jawaabtay dalal ku yaalla Khaliijka, ayaa gilgilay suuqa tamarta caalamka. Warbixin ay daabacday Reuters ayaa ku tilmaantay xaaladdan mid ka mid ah qalalaasihii ugu waaweynaa ee suuqa shidaalka soo mara tobannaan sano.
Gobolka Bariga Dhexe oo soo saara ku dhowaad 20% saliidda dunida ayaa wajahaya cabsi iyo hubanti la’aan ku saabsan qulqulka shidaalka. Inkastoo aan weli la xaqiijin burbur weyn oo gaaray kaabeyaasha tamarta, haddana qaraxyo ayaa laga soo sheegay United Arab Emirates, Kuwait iyo meelo kale oo xasaasi ah, halka Qatar ay sheegtay inay qabatay gantaallo lala beegsaday
Indhaha suuqyada ayaa si gaar ah ugu jeeda marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, oo maamula ku dhowaad 20 milyan oo foosto maalintii. Haddii halkaas uu hakad ka yimaado, qiimaha shidaalka adduunka ayaa si degdeg ah u kici kara.
*Sicirka Shidaalka iyo Saameynta Soomaaliya*
Soomaaliya oo 100% ku tiirsan soo dejinta shidaalka ayaa si toos ah u dareemi doonta kororka qiimaha. Marka qiimaha batroolka iyo naaftadu kaco, kharashaadka gaadiidka, kalluumeysiga, warshadaha yaryar iyo korontada ayaa wada qaaliyooba. Tani ayaa horseedi kartaa koror kale oo ku yimaada qiimaha raashinka iyo badeecooyinka daruuriga ah.
Saameyntan ayaa imanaysa xilli dalka uu wajahayo abaar daran oo hoos u dhigtay wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha. Qoysas badan oo horeyba ugu tiirsanaa gargaar bini’aadantinimo ayaa la kulmi kara culays laba jibbaaran: cunno yar iyo qiimo sare.
Khabiirada dhaqaalaha waxay ka digayaan in isku darka abaaraha gudaha iyo qalalaasaha tamarta caalamiga ah uu keeni karo sicir-barar sare, hoos u dhac ku yimaada ganacsiga, iyo cadaadis dhaqaale oo sii baahda. Inkastoo Soomaaliya aysan si toos ah uga qeyb ahayn colaadda, ku tiirsanaanta ay ku qabto suuqyada tamarta caalamka ayaa ka dhigeysa mid si degdeg ah u dareenta saameynta dagaal kasta oo ka qarxa Bariga Dhexe.
