Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ansixiyay dhammeystirka Dastuurka dalka — tallaabo ka dhigan in Soomaaliya laga gudbayo Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012.
Kaddib ansixinta, waxaa si weyn u soo baxay dood ku saabsan goorta iyo sida uu dastuurkan u dhaqan-geli doono. Siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyay.
Qaar badan ayaa qaba in dastuurku uusan si buuxda u dhaqan geli karin haddii uusan ku dhisneyn heshiis siyaasadeed iyo mid bulsho oo loo dhan yahay.
MadaxweyneHassan Sheikh Mohamud ayaa horay u sheegay in dhammeystirka dastuurku uusan si toos ah u quseynin xukuumadda iyo baarlamaanka hadda jira.
Sida uu sheegay, dhaqangelinta dhabta ah waxay la xiriiri doontaa dowladda iyo baarlamaanka iman doona marka la gaaro teeramka xiga.
“Dastuurka waan ka shaqeynaynaa, waana dhammaystiraynaa. Marka uu dhammaystirmo oo lagu heshiiyo, wuxuu ka dhaqan geli doonaa teeramka xiga, teeramkan hadda socda se ma quseyn doono”. Ayuu yiriMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Laakiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aden Madobe ayaa qaba aragti kale.
Wuxuu sheegay in qodob kasta oo dastuurka laga beddelay uu isla markiiba dhaqan-gal yahay, isla markaana arrintaas ay ku cadahay dastuurka la ansixiyay.
“Qodob kasta oo ka mid ah Dastuurka oo uu Baarlamaanku wax ka beddelo wuxuu dhaqan galayaa isla saacaddaas, sida uu si cad u qabo Dastuurka dalka”. Ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe
Mucaaradka siyaasadda ayaa iyaguna si adag uga horyimid ansixinta dastuurka. Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu doonayo muddo kororsi siyaasadeed, iyagoo dhaliil weyn ka muujiyay habraaca iyo hannaanka loo maray ansixinta.
Barafasoor Afyare Abdi Elmi ayaa isna qoraal uu ku daabacay Facebook ku yiri: “Warka Xamar ee ah ‘Dastuur cusub baan qornay’ waxaa ku soo xiga ‘muddadii xukunkana waan kororsannay’. Bal aan aragno halka ay ku dambayso.”
Haddaba su’aasha taagan waxay tahay: Ma isla markiiba ayuu dhaqan-galayaa dastuurka la ansixiyay?
Mise wuxuu dhaqan-gelayaa marka dowlad cusub timaado?
Yaa sax ah — Madaxweynaha mise Guddoomiyaha Baarlamaanka?
Mise weli waxaa jira is-waafaq la’aan siyaasadeed oo u baahan in si cad loogu sharaxo bulshada?
