Madaxweynaha, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa saaka ka ambabaxay Magaalda Muqdisho – iyaga oo gaarayMagaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.
Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ujeeedka safarkooda ahaa in ay ka qeybgelaan Meertada 25-aad ee Shir madaxeedka sannadlaha ah ee Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynaha ayaa kulanka ka jeedin doona khudbad ku saabsan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo isku xirka bulshooyinka dalalka xubnaha ka ah Ururka.
Sidoo kale, waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dalalka gobolka ee Shirka ka qayb galaya.Shir madaxeedka 25-aad ee Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika, ayaa ah mid loo qabto si sannadla ah; iyada oo sannadkan lagu falanqeynayaa ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga dalalka gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.

3 Comments
Pingback: ciprofloxacin for uti
Pingback: antibiotics online purchase
Pingback: sertralina