Muqdisho, waxaa soo gaaray madaxda maamul gobleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo madaxweynayaasha maamulladaas Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)– si ay qeyb ugu noqdaan gogoshii wadahadal ee u dhxeysay Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay loogu eedeyay inay hawada ka celisay labo diyaaradood oo kala siday wufuudda hordhaca ahayd iyo cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntlanda – xilli la qorsheynayay inay furnato gogoshii wadahal ee u dhaxeysay Dowladda iyo Mucaaradka.
Shirkan oo u dhexeeya labada dhinaca ayaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay kamid yihiin: arrimaha doorashooyinka, wax ka beddelka Dastuurka, midnimada dalka, abaaraha, iyo Amniga.
Golaha Mustaqbalka, oo ay ku bahoobeen Madasha Samata-bixinta iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland, ayaa mudnaanta siinaya in shirka looga wado hadlo doorashooyinka iyo Dastuurka, halka Villa Soomaaliya aysan doonayn arrimahaas – taas oo laga dheehan karo sida uu baarlamaanka wax u wado iskana indho tiraya diidmada xildhibaannada mucaaraka ee waxka baddalka dastuurka.
Shirkaan oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo loo ballansanaa in uu qabsoomo 1-febraayo ayaa baaqday ma se jirin muddeyn kale oo rasmi ah oo la wada ogsoonyahay; waxaase imaatinka maanta wufuudda iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntlnad looga qiyaas qaadan karo suurtagalnimada qabsoomidda shirkan maalmaha horeenna ah.
