Musuqmaasuqa weli wuxuu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee hor istaaga dhismaha dowlad hufan iyo u adeegidda bulshada.
Warbixintii ugu dambeysay ee Corruption Perceptions Index waxay muujineysaa in Soomaaliya ku adkaatay in si wax ku ool ah wax looga qabto musuqa. Tusmadan Corruptio Index-ka waxay cabbirtaa heerka musuqmaasuqa ee hay’adaha dowliga ah, iyadoo qiimeyntu u dhexeyso 0 oo ah musuq aad u sarreeya ilaa 100 oo ah nidaam nadiif ah.
Qiimeyntii ugu dambeysay, Soomaaliya waxay heshay 9 dhibcood, taasoo ka dhigaysa dalka ugu hooseeya darajada caalamka. Tani waxay iftiimineysaa caqabado culus oo la xiriira isla-xisaabtanka, hufnaanta maaliyadeed, iyo awoodda hay’adaha, arrimo si toos ah u saameeya kalsoonida dadweynaha iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah.
Saamaynta ka dhalata musuqa baahsan waxaa ka mid ah adeegyo bulsho oo liita, kaabayaal dhaqaale aan la dhisin, iyo niyad-jab ku yimaada rajada dhalinyarada. Su’aasha taagan ayaa ah: yaa hoggaaminaya la dagaallanka musuqmaasuqa Soomaaliya, ma dowladdaa, ma hay’ado madax-bannaan baa, mise cadaadis bulshada ka yimaada?
Hufnaan la’aan joogto ahi waxay halis gelin kartaa mustaqbalka horumarka, halka hoggaan daacad ahi uu furi karo waddo lagu soo celiyo kalsoonida iyo isla-xisaabtanka.
