Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbad uu ka jeediyay gobolka Ohio ku soo hadal qaaday Soomaaliya iyo Somaliland isaga oo adeegsaday hadallo dhaliyay dood ku saabsan magacyada labada dhinac iyo mowqifka Mareykanka ee Somaliland.
Trump ayaa khudbaddiisa si weyn ugu dhaliilay Soomaaliya isaga oo sidoo kale weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minnesota.
Intii uu khudbadda jeedinayay Trump ayaa adeegsaday magaca Somalia-land isaga oo soo hadal qaaday isla markaana soo jeediyay in magaca uu ka hadlayay wax laga beddelo.
Hadalkan ayaa mar kale indhaha ku soo jeediyay Somaliland oo muddo dheer raadineysay aqoonsi caalami ah iyo xiriirka ay la leedahay dowladda Mareykanka.
Trump ayaa sidoo kale hore u muujiyay inuu danaynayo arrimaha Somaliland inkasta oo hadalladiisa hore aysan kaligood ka dhignayn in Washington ay qaadatay go’aan rasmi ah oo ku saabsan aqoonsigeeda.
hadalka madaxweyne Trump iyo siyaasadda rasmiga ah ee dowladda Mareykanka ayaa loo arkaa kuwa kala duwan Ilaa hadda ma jiro caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in Trump uu khudbaddan ku shaaciyay aqoonsi diblomaasiyadeed oo Somaliland loo fidiyay ama in Mareykanku beddelay mowqifkiisa ku aaddan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Dhanka kale hadallada Trump ee ku saabsan Soomaalida ayaa qayb ka ahaa dhaleeceyntiisa socdaalka iyo bulshada soo-galootiga ah ee Mareykanka taas oo dhalisay falcelin siyaasadeed iyo mid bulsho
hadalka Trump kasoo yeeray kadib madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa Trump ugu baaqay aqoonsado soomaali land isagoo u soo bandhigay iskaashi dhinaca amniga ah
Baaqa madaxweynaha Somaliland wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu raadinayo aqoonsi caalami ah balse natiijada kama dambaysta ahi waxay ku xirnaan doontaa jawaabta rasmiga ah ee maamulka Trump iyo tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee xiga.
