Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa karantiishay muwaadin Soomaaliyeed oo la xaqiijiyey inuu la safray qof markii dambe u geeriyooday cudurka Ebola.
Muwaadinka ayaa la geeyay xarun caafimaad oo ku taalla Muqdisho, iyadoo la qiimeynayo xaaladdiisa caafimaad. Hase yeeshee, illaa hadda lama xaqiijin inuu isagu qabo cudurka.
War-saxaafadeed ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada soo saartay 12-kii Oktoobar ayay ku sheegtay in muwaadinka si ammaan ah loo karantiilay, kadib xog rasmi ah oo laga helay hay’adaha caafimaadka Uganda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in muwaadinka Soomaaliyeed iyo muwaadin Kenyan ah ay horay uga soo wada safreen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyagoo soo maray Uganda.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, muwaadinka Soomaaliyeed ayaa 3-dii Oktoobar ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kadib markii uu soo maray Addis Ababa, Itoobiya.
Markii la helay xogta ku saabsan xiriirkiisa safar ee qofka u geeriyooday Ebola, waxaa la bilaabay baaritaan iyo dabagal ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka, Hay’adda Socdaalka iyo hay’adaha kale ee amniga.
Muwaadinka ayaa hadda ku jira xarunta karantiilka iyo daaweynta Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Wasaaraddu waxay caddeysay in karantiilku yahay tallaabo taxaddar ah, mana jirto xaqiijin muujinaysa in muwaadinku qabo cudurka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadka la xiriiray muwaadinka ugu baaqday inay la soo xiriiraan hay’adaha caafimaadka si xaaladdooda loo qiimeeyo.
Waxay bixisay lambarka gaaban ee 995 iyo lambarka WhatsApp-ka ee 061 022 4623.
Dowladdu waxay shacabka ugu baaqday inay is dejiyaan oo ay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin.
Ilaa hadda, tallaabada la xaqiijiyey waa karantiilka muwaadinka iyo dabagalka dadka laga yaabo inay xiriir la sameeyeen.
Dabagalka caafimaad iyo karantiilka ayaa ah tallaabooyin taxaddar ah oo lagu qiimeynayo khatarta, laguna ilaalinayo caafimaadka bulshada.
