Dr. Maryam Qaasim ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka kaddib doorasho maanta ka dhacday Muqdisho.
Doorashadu ayaa lagu buuxinayay xilalka Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga, iyadoo ay ku tartamayeen musharrixiin kala duwan.
Guddoomiyaha guddiga waxaa si gaar ah ugu tartamay Farxaan Jimcaale, oo ah suxufi hore, Dr. Maryam Qaasim, iyo Cumar Calasow, oo hore ula soo shaqeeyay howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika.
Guddiga Xuquuqul Insaanka wuxuu ka kooban yahay 9 xubnood oo kusoo baxay imtixaan ay qaadday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Golaha Wasiiradda Xukkumadda Federalka ayaa 3dii bishii July 2025 ansaxiyay Guddigga.
Doorashadan ay ku soo beegmayso xilli Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah Qaramada Midoobay kala soo wareegtay mas’uuliyadda maareynta iyo kormeerka arrimaha xuquuqul-aadanaha ee dalka.
Doorashada waxaa qabtay Guddiga Doorashada oo uu hoggaaminayo Cabdikariin Axmed Xasan. Tartanka ayaa ahaa mid adag, maadaama saddexda musharrax ee xilka Guddoomiyaha ay dhammaantood ahaayeen kuwo miisaan culus ku dhex leh guddiga.
