Gelinkii dambe ee shalay, gudaha xerada Xalane, ayaa kulan ay yeesheen Golaha Mustaqbalka iyo wakiillada beesha caalamka, isaga wareysteen caqabadaha hortaagan qabsoomidda gogoshii wadahadallada ee loo ballansanaa.
Shirka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble, Xildhibaan Kooshin, halka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu shirka kaga qeyb galay qaab fogaan-arag ah.
Golaha Mustaqbalka ayaa dhankooda muujiyay walaac iyo kalsooni-darro ay ka qabaan Dowladda Federaalka, iyaga oo tilmaamay cabsi la xiriirta in mar kale ay soo laabato dhacdadii 1-da Febraayo, ee ku saabsanayd celintii diyaaradahii siday wufuuddii hordhaca u ahaa madaxda ka imaanayay Jubbaland iyo Puntland.
Safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa ugu baaqay Puntland iyo Jubbaland in ay yimaadaan Muqdisho, isaga oo soo jeediyay in Dowladda Federaalka ay fududeyso safarka madaxda maamuladaasi, si uu u qabsoomo shir lagu gaari karo xal siyaasadeed oo rasmi ah.
Dhankeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay warsaxaafadeed ay soo saartay ku tilmaantay nasiib-darro dhacdadii 1-dii Febraayo 2026 iyo dib-u-dhaca ku yimid qaar ka mid ah wufuuddii Golaha Mustaqbalka.
Dowladda ayaa sidoo kale caddeysay in ay mar kale adkeynayso qabsoomidda gogosha wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Waxaa muuqata isku-soo-dhawaansho labada dhinac ah iyo rajo ku aaddan qabsoomidda gogosha wadahadallada ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka—oo ay ku bahoobeen Madasha Samata-bixinta iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland—inkastoo aan weli si rasmi ah loo si rasmi loo hubin waqtiga ay qabsoomi doonto.
