Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka dowlad-goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo isugu jira doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle.
Sida jadwalku dhigayo:
- 5 Agoosto: Waxaa bilaabanaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qaybinta kaararka codbixinta.
- 7 Agoosto: Waxaa la shaacinayaa goobaha codbixinta.
- 8 Agoosto: Waxaa la daabacayaa liiska hordhaca ah ee codbixiyeyaasha.
- 16 Agoosto: Waxaa la soo saaraya liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha.
- 18 Agoosto: Waxaa la shaacinayaa liiska ugu dambeeya ee musharraxiinta ururrada siyaasadda.
- 20 Agoosto: Waxaa la qabanayaa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle.
Jadwalkan ayaa calaamad u ah in hannaanka doorashada Hirshabeelle uu galay wejiga hirgelinta, iyadoo laga gudbay marxaladda ansixinta ururrada siyaasadda loona gudbay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, xaqiijinta musharraxiinta iyo dejinta taariikh rasmi ah oo doorasho.
Si kastaba, jadwalkan ma muujinayo heshiis cusub oo dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, mana beddelayo mowqifyadii ay labada dhinac ka qabeen hannaanka doorashada. Waxa uu sii ambaqaadayaa qorshaha dowladda ee doorashooyinka tooska ah ee ku saleysan ururrada iyo axsaabta siyaasadda.
