Muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ah gabagabo, Welina ma cadda nooca doorasho ee la aadi doonno 15-ka May ee sannadkaan.
Waxaa muuqato hubanti la’aan ku aaddan doorashada, Ilaa hadda se ma jiro hal go’aan oo lagu heshiiyay. Farsamo ahaan, ikhtiyaarka ugu diyaarsan waa nidaamkii doorasho ee 2022! Waayo, waa mid hore loo tijaabiyay, khilaafaadkeedana la isla yaqaanno, isla markaana lagu qaban karo waqti kooban.
Waa moodel ku dhisnaa nidaamka 4.5, ergooyin, iyo maamulgoboleedyo laga soo xulaya xildhibaanada—iyada oo odayaal iyo guddiyo ay door muhiim ah ku lahaayeen habraaca.
Inkasta oo mowqifkoodu si buuxda u caddayn, mucaaradku waxay doonayaan doorasho lagu kalsoonaan karo, waxay ku doodayaan mid ku saleysan qaabkii 2022-dii oo lasii hormariyay, ama moodeel kale oo ku-meel-gaar ah.
Maamulgoboleedyadu waxay u janjeeraan nidaamka 4.5 iyo ergooyinka, si ay u sii haystaan awoodda soo saarista xildhibaanada. Doorasho dadweyne oo toos ah, waxay ka lumin kartaa saameyntooda federaal iyo danahooda siyaasadeed.
