Dowladda Federaalka Soomaaliya…Waxay ku dhawaaqday mashruuc cusub oo kaabayaal dhaqaale ah. Markanna…mashruucu wuxuu ka bilaabanayaa magaalada Hargeysa.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay in la billaabay habraacyada lagu saxiixayo qandaraaska diyaarinta naqshadaha iyo daraasadaha mashruuc waddo cusub oo laga hirgelinayo Hargeysa.
Sida qorshuhu yahay, waddadan ayaa dhererkeedu gaari doonaa ku dhowaad 45 kiiloomitir, iyadoo wejiga koowaad lagu dhisi doono 23 kiiloomitir oo ka bilaabanaya magaalada Hargeysa.
Mashruucu kuma koobna waddo oo keliya.. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah dhismaha Buundada loo yaqaano ‘Buundaweyn’. Wasiir Ayuub ayaa sheegay in Buundaweyn ay ka mid tahay wejiga koowaad ee mashruuca. Qiimaha lagu qiyaasay wejigan koowaad ayaa gaaraya ku dhowaad 20 milyan oo doollar.
Mashruucan wuxuu qayb ka yahay barnaamijka Nagaad, oo ay Wasaaradda Hawlaha Guud ka fulinayso deegaanno kala duwan oo dalka ah, iyadoo taageero ka helaysa Bangiga Adduunka iyo saaxiibbo kale oo caalami ah; Hase yeeshee, Hargeysa ma aha goobta keliya ee mashruucyadan laga wado.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay sidoo kale kormeerayso hirgelinta ku dhowaad 89 kiiloomitir oo waddooyin ah, kuwaas oo ka socda Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Puntland iyo Somaliland.
Sida ay dowladda sheegtay, mashaariicdan waxay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, lagu isugu xirayo deegaannada, laguna kobcinayo ganacsiga iyo isku socodka dalka.
