Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qorshe lagu sheegay in maamulka gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya doonayo inuu waxa loogu yeeray “safaarad” kaga furto magaalada Qudus (Jerusalem), iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid si cad uga hor imaaneysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo lagu wiiqayo qaranimada dalka ama lagu abuuro xiriir diblomaasiyadeed oo aan waafaqsaneyn sharciga iyo nidaamka caalamiga ah. Dowladda ayaa sidoo kale xustay in Qudus ay tahay magaalo leh xaalad siyaasadeed iyo sharci oo muran ka taagan yahay.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Israa’iil ay waddo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo lala xiriirinayo maamulkaas, kuwaas oo lagu sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in xiriir rasmi ah lala yeesho Somaliland, isla markaana xarun diblomaasiyadeed looga furo magaalada Qudus. Arrintan ayaa dhalisay falcelin xooggan oo gudaha Soomaaliya ah, iyo cambaareyn ka timid dalal badan oo Carbeed iyo Islaami ah.
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta ayaa si adag uga horyimid qorshe kasta oo la xiriira furitaanka safaarad ama xafiis rasmi ah oo Somaliland ku yeelato magaalada Qudus. Waxay tallaabadaas ku tilmaameen mid khatar ku ah midnimada Soomaaliya iyo mowqifka guud ee dalalka Islaamka ee ku aaddan Falastiin iyo magaalada Qudus.
Dunida inteeda badan ma aqoonsana Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, sababo la xiriira muranka taagan ee qaddiyadda Falastiin. Si kastaba, waxaa jira dalal kooban oo aqoonsaday, kuwaas oo ay kamid yihiin Mareykanka xilligii maamulka Donald Trump sanadkii 2017, Guatemala, Honduras, Kosovo iyo Papua New Guinea.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ugu baaqday beesha caalamka inay ixtiraamaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo go’aannada dowladda dhexe, iyadoo digniin ka bixisay tallaabo kasta oo sii kicin kara xiisadaha siyaasadeed iyo kala qeybsanaanta gobolka.
