Waxaa muuqata is-soo dhowaansho ka dhex abuurmaya wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabyada mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka yihiin Turkiga iyo beesha caalamka.
Wararka kasoo baxaya kulamadan ayaa muujinaya in dhinacyadu ay isugu soo dhowaanayaan qodobbo muhiim ah oo la xiriira doorashooyinka dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in horumar laga sameeyay wada-hadallada. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa Waxa uu xusay in wada-hadalladu ay hadda diiradda saarayaan sida nidaamkaas loo hirgelinayo.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ahaa wafdiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in mucaaradku aqbalay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.
Hase yeeshee, wuxuu xusay in si ku-meel-gaar ah loo sii wado nidaamka awood-qaybsiga 4.5 inta laga dhisayo hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyo.
Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna shaaciyay inuu taageersan yahay doorasho qof iyo cod ah oo ku dhisan nidaamka axsaabta siyaasadeed. Xisbigu wuxuu sheegay in mowqifkiisu waafaqsan yahay mabda’a doorashooyinka ay dowladda hadda waddo.
Inkasta oo ay muuqato is-afgarad ku saabsan mabda’a doorashada qof iyo cod, haddana waxaa weli taagan qodobbada la isku khilaafsanyahay
Waxaa ka mid ah qaabka loo hirgelinayo nidaamka, dhismaha guddiga doorashooyinka iyo heshiiska siyaasadeed ee saldhigga u noqonaya geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya.
