Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in 15 maalmood loogu daro muddada ay kaga jawaabayso dacwadda ka dhanka ah wax-ka-beddellada Dastuurka, taas oo uu gudbiyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Codsiga ayaa yimid maanta oo ahayd maalintii kama dambaysta ahayd ee Maxkamadda Sare u qabatay dowladda inay soo gudbiso difaaceeda sharci.
Garyaqaanka Guud ee dowladda ayaa Maxkamadda Sare ka codsaday in muddada loo kordhiyo illaa 7-da Nofeembar, si qareennada dowladda ay u diyaariyaan jawaabta sharci ee dacwadda.
Sheekh Shariif ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwaddan isagoo ka hor yimid habraacii loo maray wax-ka-beddellada Dastuurka. Dacwaddu waxay socotaa iyadoo dowladda federaalku ay billowday dhaqangelinta qaybo ka mid ah dastuurka wax laga beddelay.
Go’aanka xiga wuxuu gacanta ugu jiraa Maxkamadda Sare, oo laga sugayo inay ka jawaabto codsiga dowladda ee muddada dheeraadka ah. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo muranka wax-ka-beddellada Dastuurka uu barbar socdo khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka iyo jadwalka doorashooyinka federaalka.
Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay ayaa doorashada Golaha Shacabka u asteeyay 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha loo qorsheeyay 15-ka May 2027.
Mucaaradka ayaa diiday jadwalkan, iyagoo ku doodaya inaan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaarin hannaanka doorashooyinka.
Waxa hadda la sugayaa waa go’aanka Maxkamadda Sare ee codsiga dowladda iyo tallaabada xigta ee dacwadda. Go’aanka maxkamaddu wuxuu noqon doonaa marxalad muhiim u ah muranka ku saabsan wax-ka-beddellada Dastuurka, xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee hannaanka doorashooyinka dalka.
