Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 26 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in duqeymuhu lagu beegsaday goobo ay kooxda Al-Shabaab ku sugnaayeen. Duqeymuhu waxay kusoo beegmayaan xilli Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday diyaar-garowga weji cuusb ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta, Dadka Soomaaliyeedna dhowaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqdo wejiyo cusub oo dagaal. Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka mar labaad qabtay sannadkii 2022, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dib ula wareegay deegaanno badan oo ku yaalla Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.
Howlgalladaas ayaa xilligaas loo arkayay guulihii ugu waaweynaa ee laga gaaray Al-Shabaab muddo sannado ah. Hase yeeshee, dhammaan guulahaasi ma noqon kuwo waara.
Al-Shabaab ayaa mar kale dib ula wareegtay deegaanno istiraatiiji ah, oo ay ku jiraan Cowsweyne iyo Aadan Yabaal, kuwaas oo ahaa saldhigyo muhiim u ahaa howlgaladii dowladda.
Arrintaasi waxay dhalisay su’aalo ku saabsan awoodda dowladda ee sii haynta deegaannada ay la wareegto. Iyadoo dowladda ay markale ku dhawaaqday dardar cusub oo dagaal, xma noqon doonaan guulaha la gaaro kuwo la sii ilaashado, mise waxay mari doonaan waddadii howlgalladii hore?
