Xiisadda dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe ayaa durba laga dareemayaa Soomaaliya. Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay, kaddib duqeymo cusub oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan, kuwaas oo walaac ka dhaliyay sahayda shidaalka ee marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Baasiinka: $1.25 ➜ $1.30 Halkii Litir
Suuqyada Soomaaliya, halkii litir ee baasiinka ayaa ka kacay qiyaastii $1.25 ilaa $1.30.
Kororkaasi wuxuu durba saameyn ku yeeshay gaadiidka, ganacsiga iyo kharashaadka nololeed ee shacabka.
Sida ay qorayaan wargeysyada, ciidamada Mareykanka ayaa habeenkii Arbacada duqeymo cusub ku qaaday gudaha Iiraan.
Weerarradan ayaa dhacay saacado uun kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in ay dhammaatay xabbad-joojin socotay siddeed toddobaad.
Xiisadda sii kordheysa ayaa dib u soo cusbooneysiisay cabsi laga qabo hakad ku yimaada isu socodka shidaalka ee marinka Hormuz. Marinka Hormuz ayaa ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee lagu dhoofiyo qeyb weyn oo shidaalka caalamka ah.
Khalkhal kasta oo ka dhaca halkaas wuxuu si degdeg ah u saameeyaa qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka, waxaana ka mid ah Soomaaliya oo ku tiirsan shidaalka dibadda laga soo dejiyo.
Bishii Maarso, halkii litir ee shidaalka ayaa gaaray ku dhowaad $1.60, taasoo ahayd heerarkii ugu sarreeyay ee sanadkan.
Haddii xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay sii socoto, waxaa laga cabsi qabaa in qiimaha shidaalku markale kor u kaco, arrintaas oo saameyn toos ah ku yeelan karta gaadiidka, sicirka badeecadaha iyo guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya.
