Kulankii qadada ee u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka ee ka dhacay Hotel Decale – waxaa laga akhrin karaa dhowr farriimood oo mudan in la dul istaago.
- Bilowga shirka, markii ay soo wada gaareen hoteelka labada dhinac, waxaa markiiba soo baxay muuqaallo ah; in ay darafka mucaaradka ay horay u soo qaateen qadadoodii ay cuni lahaayeen, iyada kulanka uu ahaa martiqaad uu fidiyay Madaxweynaha Dalka.
- Waxaa ka soo baxay warsaxaafadeedyo kala duwan, madaxtooyada Soomaaliya – waxa sheegtay in uu kulanku ahaa inuu hordhac u yahay shirka u dhaxeeya Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka. Halka, maamulada Jubbaland iyo Puntland, baahiyeen in madaxweynaha uu kulan soo dhaweyn ah u fidiyay Golaha Mustaqbalka, ayna ka qeybgaleen.
- Waxaa xigay, kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland, waxaa se laga xusi karaa in dhinaca dowladda ay heshiis oggoshahay ayna sii socon doonnaa wadahadallada u dhaxeeya labada dhinac.
- Isla habeennimadii xalay waxaa wada kulamay Ra’iisul wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Waxay laba madaxtooyo ee maamulladaas sheegeen in uu kulankooda Ra’iisul wasaaraha looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya. Xafiiska warfaafinta ee Ra’iisul wasaaraha, illaa hadda wax war ah kama soo saarin!
Waxaa jiray, kulan hore oo dhaxeeyay Ra’iisul wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe; kulankaas ayaa laga dhowray in warbaahinta lagu baahiyo. Maxuu xafiiska ra’iisul wasaaraha loogu baahin waayay kulamadaas, maxaa la dhawrayaa? Ma la oran karaa, ugu dambeyn, dowladda waxay Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland?
