August 12, 2026

Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa nasiib darro ku tilmaantay in natiijo la’aan ay ku dhammaadeen wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Golaha Mustaqbalka.

Dalladda ayaa sheegtay in fashilka wada-hadalladu uu sii kordhinayo walaaca bulshada Soomaaliyeed iyo kalsooni darrada laga qabo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay fashilka wada-hadalladii Muqdisho uga socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka intii u dhexeysay 13-ka ilaa 15-ka May 2026 — wada-hadallo ku dhammaaday heshiis la’aan.

Sidoo kale, Ururka IGAD ayaa sheegay inuu si dhow ula socday wada-hadalladii Muqdisho ka socday ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, isagoo soo dhaweeyay in labada dhinac ay si toos ah u wada hadleen.

Xafiiska Hawlgalka Kumeel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa isna wax laga xumaado ku tilmaamay in shirkii u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka uu mar kale ku dhammaado natiijo la’aan, iyadoo aan xal laga gaarin khilaafaadka la xiriira doorashooyinka iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la sii wado wada-hadallada, si loo helo xal siyaasadeed oo waara.

Dhammaan dhinacyadan caalamiga ah iyo kuwa gudaha ayaa dirayay baaqyo ujeeddadoodu isku mid tahay: in la sii ambaqaado wada-hadallada si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka dalka

Leave A Reply

Exit mobile version