November 15, 2026

Kulan ay yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, saacado un kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii lagu doonayay in xal looga gaaro ismariwaaga doorashooyinka iyo muranka ka taagan muddo-xileedka dowladda ayaa dhaliyay falcelin ka timid xubno ka titrsan mucaaradka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyay barti Facebook ku sheegay in taageerada muuqata ee Turkigu siinayo Madaxweyne Xasan Sheekh — xilli mucaaradku ku doodayaan in muddo-xileedkiisa dastuuriga ah uu dhammaaday, isla markaana aan weli lagu heshiin hannaan doorasho — ay direyso fariin siyaasadeed oo walaac leh.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in bannaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda Federaalka aysan ku koobnaan doonin Muqdisho oo keliya, balse sidoo kale ay ka dhici doonaan magaalooyinka Puntland.

“Muqdisho keliya lagama bannaanbixi doono. Haddii bannaanbax uu ka dhaco Xamar, meel kasta oo Soomaaliyeed waxaa ka dhici doona bannaanbaxyo lagu badbaadinayo Soomaaliya. Puntland-na waxaan soo jeedin doonnaa in magaalo kasta oo Puntland ah ay ka dhacaan bannaanbaxyo.” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa tilmaamaya in Turkigu hadda u muuqdo dal si toos ah ugu lug leh siyaasadda gudaha Soomaaliya, halka hore loogu aqoonsanaan jiray dowlad dhexdhexaad ah oo xiriir wanaagsan la lahayd dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Iyadoo wada-hadalladii Muqdisho ay fashilmeen, mucaaradkuna ay qorsheynayaan dibadbaxyo, dhaqdhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ayaa muujinaya kala qeybsanaan siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.

Leave A Reply

Exit mobile version