Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaan burisay heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah; kaddib shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Go’aankaan ayaa khuseeya dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo; iyada oo Go’aankan ay dowladdau ku sheegtay in Imaaraatka ay qaadaay tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee JFS, Hindise Sharciyeedkan oo ka kooban dhawr iyo tobon qodob, ayaa mamnuucaya heshiis kasta oo ay maamul hoosaadyada iyo hey’adaha gaarka ah la galaan cid shisheeye ah, iyada oo aanan wax ogeysiin iyo oggolaansho laga haysanin dowladda federaalka Soomaaliya.
Mowqifka Maamul Goboleedyada
Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad ugu horyimd go’aanka DFS, halka Maamulka Waqooyi Bari oo noqday kan kaliya ee taageeray go’aanka Dowladda Federaalku Imaaraadka ka qaadatay, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ayaan iyagu wali hadlin go’aankan.
Go’aankan ayaa imaanay xilli ay Dowladda Soomaaliya ayaa horay u joojisay dhammaan duullimaadyada Imaaraatka, markii laga reebo kuwa rayidka iyo maalmmo kaddib eedeymo sheegaya in Imaaraadku fududeeyay safarka Caydaruuus Al-Zubaidi, hoggaamiyaha Golaha KMG ee Koonfurta Yemen, kaas oo la sheegay inuu Soomaaliya soo maray.
