Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa sheegay in dhammaan go’aannada dowladda ay waafaqaan Dastuurka dalka.
Warsaxaafadeed guddiga ka soo baxay 20-ka Abriil 2026, ayay ku caddeeyeen in wixii ka hor yimaada Dastuurka ay tahay in la saxo.
Hal qof ma noqon karo Xildhibaan + Wasiir
Guddiga ayaa si gaar ah u sheegay in aan la oggolayn in hal qof isku mar noqdo xildhibaan iyo wasiir. Guddigga ayaa amar ku bixiyay in wasiirrada ka tirsan Baarlamaanka ay banneeyaan mid ka mid ah labada xil. Dastuurka cusub ee la ansixiyay ayaa si cad u mamnuucaya isku haynta labadaas xil.
25 Wasiir
15 = Xildhibaano
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka kooban 25 wasiir, kuwaas oo 15 ka mid ah ay sidoo kale yihiin xildhibaano. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa isna ka tirsan Aqalka Sare.
Haddii amarkan la dhaqan geliyo, 15-kaasi wasiir waa inay kala doortaan xilka wasiirnimo ama xildhibaanimo.
“Dastuurka wuu dhaqan galay”
— Aadan Madoobe
Dastuurkan waxaa saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib ansixintii Baarlamaanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa horey u sheegay in dastuurkaasi si rasmi ah u dhaqan galay.
Si kastaba, tallaabooyin ka hor imanaya qodobkan ayaa horey u dhacay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowaan wasiir u magacaabay xildhibaan, halka wasiirna loo doortay xildhibaan.
Ilaalinta Dastuurka = Mudnaanta
Koowaad
Guddiga ayaa sheegay inay la socon doonaan fulinta qodobadan si loo ilaaliyo sarreynta Dastuurka.
