Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku cambaareynayaan falkii shalay ka dhacay Baarlamaanka Federaalka Somaliya, iyaga oo ku tilmaamay in lagu carqaladeenayay wadahadallada qaran ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo loo ballansan yahay 1-da Febraayo.
Barlamaanka ayaa buuq ka dhacay kaddib markii uu guddoonka qeybiyay soojeedinta wax ka bedelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka taaso oo dhalisay diidmo iyo khilaaf xooggan oo u dhexeeyay xildhibaanada mucaaradka iyo guddoonka.
“Goluhu wuxuu si dhaw ula socday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku cadaadiyay Guddoomiyaha in uu tallaabadan wax ka badalka dastuurka uu qaado, islamarkaana uu Gudoomiyuhu si ula kac ah u marin-habaabiyo bulshada Somaliyeed, isaga oo u sheegay in maanta xildhibaannada loo qaybiyay cutubyadii wax-ka-beddelkooda ee la soo jeediyay.” Ayaa lagu yiri, warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha mustaqbalka.
Golaha ayaa ku tilmaamay in dhacdadaani ay muujinaysa masuuliyaddarro siyaasadeed iyo kutagrifal awoodeed; iyaga mas’uuliyadda dhacdadaas dusha ka saaray MD Xasan sheekh, sidoo kalena tilmaamay in uu madaxweynaha ka danbeeyay dhacdadaan.
Golaha ayaa ku baaqay in ay ka soo horjeedaan wax ka-bedelka Dastuurka, iyagoo horay aqbalaadda gogosha dowladda ku caddeeyay inuu MD gebi ahaan joojiyo wax ka-bedelka Dastuurka, taas oo ay ku sheegeen tallaabooyin sharcidarra ah.
Waxaa labo maalin ka harsan muddadii lagu ballansanaa gogoshii uu dhaxeysay dowladda & golaha mustaqbalka, welina ma muuqaato saan-saan ku aaddan qabsoomidda gogoshaas.
