Golaha Mustaqbalka ayaa warqad furan u diray madaxda dowladaha, wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada ee dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriya Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isagoo ugu baaqay in xal siyaasadeed laga dhigo saldhigga ugu weyn ee marxalad kasta oo amniga Soomaaliya lagu wareejinayo.
Golaha ayaa uga mahadceliyey dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM iyo taageerada ay Soomaaliya u muujiyeen ku dhowaad labaatan sano, Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wajahday qalalaase siyaasadeed oo qoto dheer.
Goluhu wuxuu sheegay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha Federaalka uu dhammaaday 15-ka May 2026, halka muddo-xileedka Baarlamaankuna uu ku ekaa 14-ka Abriil 2026, taas oo uu ku tilmaamay inay dalka ka dhigtay mid aan lahayn hannaan sharciyeysan oo la isku waafaqsan yahay oo lagu maamulo marxaladda kala-guurka.
Sidoo kale, Golahu wuxuu ku eedeeyey Dowladda Federaalka in ay si liidata u maareysay geeddi-socodka kala-guurka siyaasadeed, isaga oo sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ay wiiqeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish; halka ay dhinaca ale ay sheegeen in xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubaland uu sii xumaaday.
Goluhu wuxuu ku baaqay in la dhiso Golaha Ku-meelgaarka ah ee loo dhan yahay, kaas oo maamuli doona geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka ilaa laga soo dhisayo hay’adaha qaran ee cusub.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM, ka hor Shirka Kampala, inay taageeraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo dib u soo celinaya sharciyadda hay’adaha dowladda, dib u dhisaya is-afgaradka qaran, isla markaana saldhig u noqda sii socoshada taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Warqaddan waxaa loo diray dowladaha Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Masar, iyadoo nuqullo laga gaarsiiyey Midowga Afrika (AU), IGAD, Qaramada Midoobay (UN) iyo saaxiibbada muhiimka ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Midowga Yurub (EU) iyo Turkiga.
