Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka, oo ay ku jiraan Gorgor iyo Haramcad, loo diyaarinayo hawlgallo ka dhan ah deegaannadii laga qabsaday maamulka Koonfur Galbaeed.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed iyo midka ciidan ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada taageersan Cabdicasiis Laftagareen.
Degmada Buurhakaba ayaa ka mid ah goobaha lagu soo warramayo in ay la xiriiraan abaabulka ciidan ee socda, kaas oo la sheegay in looga golleeyahay dib u qabsashada deegaanno ay lumiyeen ciidamada dowladda iyo maamulka hadda ka jira Baydhabo.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo iyo gaadiid militari ay ka dhaqaaqeen deegaanno ku yaalla koonfurta Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda gobolka Baay.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imanaya iyadoo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ku saabsan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga cabsi qabaa in iska horimaadyadu ku fidaan deegaanno kale oo gobolka Baay ah.
Xaaladda amni ee deegaannada la isku hayo weli si buuxda looma xaqiijin, sidoo kalena ma cadda goorta ay bilaaban karaan hawlgallada la sheegay ama in qorshaha dib loogu qabsanayo deegaannada uu hirgalayo.
Haddii dhaqdhaqaaqyadan ay isu beddelaan dagaal, waxaa suuragal ah inay saameeyaan shacabka, isu-socodka dadka iyo gaadiidka, iyo amniga guud ee gobolka.
Xaaladda gobolka Baay ayaa weli ah mid isha lagu hayo, iyadoo la sugayo in dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee la soo sheegayo ay isu beddelaan hawlgallo milatari iyo in kale.
Waxaase weli aan caddayn in ciidamada dowladda iyo maamulka Baydhabo ay dib ula wareegi doonaan
deegaannadii ay lumiyeen, ama in xiisaddu horseedi doonto dagaallo hor leh.
