Dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda federaalka ayaa hadda ka socda magaalada Beledweyne, iyadoo dibadbaxayaasha ay si cad u diiddan yihiin dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Dadweynaha isu soo baxay xilli khilaafka siyaasadeed ee Hiiraan uu sii xoogeysanayo.
Xiisadda ayaa si gaar ah ugu xiran doorashada Hirshabeelle ee la qorsheeyay in la qabto 30-ka Sebtembar, taas oo siyaasiyiinta Hiiraan ay sheegeen in aan laga qaban Karin deegaanadaas ilaa heshiis siyaasadeed laga gaaro.
Warbixinno cusub ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaal siyaasadeed iyo dhaqameed ay wadaan abaabul loogu gogol xaarayo hannaan siyaasadeed oo ka madax-bannaan maamulka Hirshabeelle, iyadoo sidoo kale la soo sheegay abaabul ciidan oo ka socda qaybo ka mid ah Hiiraan.
Haddii doorashada la qabto iyadoo aan la gaarin heshiis, sidee looga horatgi karaa halista ah in khilaafka doorashada Hirshabeelle isku beddesho iska hor-imaad siyaasadeed iyo mid amni oo ka ballaaran Beledweyne?
Warbixinnada ugu dambeeyay waxay sidoo kale sheegayaan in maleeshiyaad Macawiisley ah ay ku urureen deegaanka Afcad, iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan qabashada doorashada iyadoo aan la gaarin heshiis siyaasadeed.
Tani waxay ka dhigan tahay in khilaafka doorashada uu hadda si toos ah ugu dhex milmayo xaalad amni oo horeyba u ahayd mid xasaasi ah.
Dowladda federaalka iyo guddiga doorashooyinka ayaa weli ku socda jadwalka 30-ka Sebtembar.
Laakiin Beledweyne maanta waxaa ka socda mudaharaadyo lagu diiddan yahay dowladda, iyadoo abaabul siyaasadeed iyo mid ciidanba la soo sheegayo.
Ma la heli karaa heshiis siyaasadeed ka hor inta aan khilaafkan doorashadu isu beddelin iska horimaad cusub oo Hiiraan ka dhaca?
