Xisbiga Himilo Qaran, uu hoggaamiyo Madaxweynihiin hore Shiikh Shariif ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dhacdadadii weerarka ee lagu qaaday Xarunta Xisbiga qaybteeda Degmada Cabdicasiis ee Magaaladda Muqdisho; iyo kulankii xalay ee wakiillada Beesha Caalamka wixii ka soo baxay.
Marka hore, waxay si adag u cambaareeyeen weerarka lagu soo qaaday, waxayna sheegeen in hubka ay dowladda Federaalka ay ku weerartay uu ahaa kii ay ugu deeqday dowladaha saaxiibka la ah DFS; isaga oo tilmaamay in hubka uu ahaa mid culus.
“Xisbigu wuxuu si adag u cambaaraynayaa in lagu soo weeraro hubka culus, daroonnada is qarxiya, hoobiyeyaal, iyo madaafiicda goobta. Xisbigu wuxuu boggaadinayaa Illaaalada Xisbiga ee geesiyaasha ah ee u dhabar adaygay inay ka hortagaan weerarkii xilkasnimo xumada iyo mas’uuliyad darrada ahaa ee uu soo qaaday Madaxweynihii hore”. Ayaa lagu yiri, warsaxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga.
Sidoo kale, Xisbigu ayaa sheegay in uu soo dhaweyay, wadahadalka ay billaabeen wakiillo ka socday Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka; kaas oo 4-tii Bisha June 2026; isaga oo tilmaamay in horay lagu gaaray qodobbo hor dhac ah.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:-“In si shuruud la’aan ah xabbadda loo joojiyo, In ciidamada la kala qaado si loo yarreeyo xiisadda colaadeed, In dib loo billaabo wada-hadalladii siyaasadeed ee looga arrinsanayay masiirka dalka iyo hannaanka loo maamulayo marxaladda kala guurka ah, In loo oggolaado ciidanka la soo khalday in ay jiitaan gaadiidkii iyo agabkii ka gubtay; iyo In xarunta cusub ee Xisbiga Himilo Qaran ee ku taala xeebta Liido aysan ciidan ka soo ag-dhawaanin”.
Turkiga ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed oo looga gudbo xiisadaha siyaasadeed iyo iska hor imaadyadii hubeysnaa ee labadii maalmood ee la soo dhafay ka dhacay Muqdisho.
