Ilhaan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay doorashada Aqalka Wakiillada Mareykanka, iyadoo xaqiijisay muddo-xileedkeedii shanaad ee matalaadda degmada shanaad ee gobolka Minnesota.
Dhanka kale, Abdul El-Sayed ayaa ku guuleystay kursiga Senate-ka ee gobolka Michigan, isagoo taariikhda Mareykanka galay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Senate-ka.
Ilhaan Cumar ayaa doorashada kaga adkaatay musharraxa xisbiga Jamhuuriga, John Nagel, oo hore uga tirsanaa ciidamada booliska gobolka Minnesota.
“Doorashadan waan ku guuleysannay, Soomaalida badanna ayaan u ahay horseed.”“ilhaan Cumar
Guusheeda ayaa timid iyadoo ay jiraan baaritaanno federaal ah oo la xiriira dukumentiyadeeda socdaalka iyo xogta maaliyadeed ee ay gudbisay.
Ilhaan Cumar ayaa hore u beenisay eedeymaha la xiriira arrimaheeda socdaalka, iyadoo baaritaannada ku tilmaantay kuwo siyaasadeysan.
Guusha Abdul El-Sayed ee gobolka Michigan ayaa noqotay mid taariikhi ah, maadaama uu noqonayo Muslimkii ugu horreeyay ee loo doorto Senate-ka Mareykanka, oo ka kooban 100 xubnood.
El-Sayed ayaa doorashada kaga adkaaday musharraxa Jamhuuriga Mike Rogers, isagoo ku guuleystay kursiga uu banneeyay Senator-ka dimuqraadiga Gary Peters oo aan mar kale tartamin.
El-Sayed, oo hore u soo noqday madaxa caafimaadka ee degmada Wayne, ayaa taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Detroit kaddib markii guushiisa la shaaciyay.
Guushiisa ayaa timid iyadoo maalmo ka hor doorashada ayaa xildhibaanad dimuqraadi ah oo lagu magacaabo Haley Stevens ka laabatay taageeradii ay siinaysay El-Sayed, una wareegtay inay taageerto musharraxa Jamhuuriga. Guulaha Ilhaan Cumar iyo Abdul El-Sayed ayaa muujinaya matalaadda sii kordheysa ee siyaasiyiinta Muslimiinta ah ee ku jira hay’adaha federaalka Mareykanka.
Ilhaan Cumar ayaa sii wadanaysa matalaadda Minnesota ee Aqalka Wakiillada, halka El-Sayed uu noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Senate-ka. Labadan guul ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasadda Mareykanka ay si weyn u saameeyeen doodaha ku saabsan socdaalka, dhaqaalaha, aqoonsiga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
