Kumannaan arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare, iyadoo Dowladda Federaalka ay sheegtay in imtixaanka qaranka laga daahfuray 58 degmo oo dalka ah.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Nuura Mustafe, ayaa sheegtay in sanadkan imtixaanka ay u fariisteen 44,136 arday oo ku kala sugan gobollada dalka.
“Imtixaanka Qaranka ayaa maanta ka furmay 58 degmo, waxaana lagu galayaa 158 xarumood. Imtixaanka waxaa u fadhiistay 44,136 arday oo ku kala sugan qeybaha kala duwan ee dalka,” Nuura Mustafe, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada
Ardayda ayaa imtixaanka ku galaya 158 xarumood oo ku kala yaalla 58 degmo, taas oo ka dhigeysa mid kamid ah imtixaannadii ugu ballaarnaa ee dalka laga qabto sannadihii u dambeeyay.
Laakiin, waxaa jirta hal degmo oo aan maanta looga fariisan imtixaanka. Waa degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka jireen colaado u dhaxeeya beelo wada dega deegaanka.
Colaaddaasi ayaa sababtay in 22 arday oo degmadaasi ka tirsan ay seegaan fursaddii ay maanta ku geli lahaayeen imtixaanka shahaadiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay astaan muujineysa maalgashiga joogtada ah ee Soomaaliya, isla markaana ay ka tarjunto himilooyinka kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed.
“Waxbarashada waa astaan muujineysa maalgashiga joogtada ah ee Soomaaliya ku sameyneyso mustaqbalkeeda. Waxay ka tarjumeysaa himilooyinka kumannaan dhallinyaro ah”. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale farriin dhiirrigelin ah u diray ardayda maanta u fariisatay imtixaanka, isaga oo ugu baaqay inay dadaalkooda sii laba jibaaraan.
“Imtixaanka idin horyaalla maanta, ma ah oo keliya tijaano lagu cabbirayo aqoonta aad leedahay ee waa xus iyo qiimeyn lagu maamuusayo dadaalkiina, adkeysigiinna iyo aadaabtiinna.” Xamsa Cabdi Barre
Tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanka ayaa muujineysa koror marka loo eego sanadkii hore. Sanadkii 2024, in ka badan 37 kun oo arday ayaa u fariistay imtixaanka fasalka 12-aad, halka sanadkan ay tiradu gaartay 44,136 arday.
Inkasta oo dowlad Goboleedka Puntland aysan qeyb ka ahayn imtixaanka qaranka, haddana kororka tirada ardayda sanadkan ayaa loo arkaa inuu ka tarjumayo sare u kaca fursadaha waxbarasho iyo kororka ardayda gaareysa heerka shahaadiga ah ee dalka.
