Xulka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 jirrada ayaa guul weyn ka gaaray dhiggooda Sudan, kadib markii ay 8-2 ku garaaceen kulan ka tirsanaa tartanka CECAFA
Gabdhaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay ciyaar weerar oo cajiib ah, iyagoo lix gool dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.
Xulka Soomaaliya ayaa qeybta hore ku hoggaaminayay 6-2, kahor inta aysan laba gool oo kale ku darin qeybtii dambe, si ay u xaqiijiyaan guushoodii ugu weyneyd ee tartanka.
⭐ Player of the Match: Najma Mohamed
Xiddigta kulanka ayaa loo magacaabay Najma Maxamed, oo door muuqda ka qaadatay guusha taariikhiga ah ee ay gaareen gabdhaha Soomaaliya. Guushan ayaa timid kaddib markii Soomaaliya ay kulankeedii hore guuldarro culus kala kulantay xulka dalka Kenya.
Inkastoo laga badiyay labadii kulan ee ugu horeeyay tartanka, haddana gabdhaha Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga falceliyay, iyagoo soo bandhigay qaab ciyaareed weerar leh oo ay ku gaareen guul muhiim ah oo dib u soo nooleysay rajadooda tartanka.
Guushan 8-2 ah ayaa noqonaysa fariin cad oo muujinaysa adkeysiga iyo horumarka ay sameynayaan gabdhaha da’da yar ee kubadda cagta Soomaaliya.
