Ismaaciil Ould Cheikh Ahmed ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), isagoo beddelay Hissein Brahim Taha.
Wareejinta xilka ayaa dhacday kadib markii Ismaaciil Ould Cheikh Ahmed ay doorteen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah OIC. Xoghayaha cusub ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono xoojinta awoodda Xoghaynta Guud iyo adkaynta iskaashiga dalalka xubnaha ah.
Isbeddelkan hoggaanka ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama OIC ay sannadkan si cad u taageertay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bishii Janaayo, Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC ayaa ansixiyay qaraar si adag u taageeraya Soomaaliya, isagoo dib u xaqiijiyay in Somaliland ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana soo horjeestay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
