Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa ansixiyey wax-ka-beddelka hindise-sharciyeedka ciidamada difaaca dalka, kaas oo loo gudbiyey Golaha Wakiillada Shacabka si loo tixgeliyo.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), wax-ka-beddelka ayaa looga gol leeyahay xoojinta sharciga hagaya ciidamada qalabka sida, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Dowladda Itoobiya faahfaahin kama bixin qodobada gaarka ah ee wax laga beddelayo, mana sheegin in sharcigan uu la xiriirayo Eritrea ama uu oggolaanayo hawlgallo milatari oo ka dhan ah dal kale.Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Addis Ababa ayaa dhawaan Asmara ku eedeysay inay taageerto kooxo hubeysan oo ka howlgala gudaha Itoobiya, eedeymahaas oo Eritrea ay marar badan beenisay.
Ilaa hadda, ma jiro caddeyn dadweyne oo muujinaysa in wax-ka-beddelka sharcigan uu si gaar ah ugu diyaar-garow u yahay tallaabo milatari oo ka dhan ah Eritrea.
