Doodda ku saabsan Itoobiya inay hesho marin-badeed ayaa mar kale soo cusboonaatay, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu soo bandhigay aragtiyo la xiriira caddaaladda iyo dheellitirka juqraafiyeed ee Geeska Afrika.
Abiy ayaa tilmaamay farqiga u dhexeeya tirada dadka iyo dhererka xeebaha ay dalalka gobolka. Wuxuna yiri “Laga bilaabo Massawa ilaa Muqdisho waxaa u dhexeeya ku dhowaad 5,000 kiiloomitir. Inta u dhexeysa masaafadaas waxaa ku nool ku dhowaad 20 milyan oo Soomaali ah, iyo qaar Jabuutiyaan iyo Eritrean ah — wadar ahaan qiyaastii 25 milyan oo qof oo haysta 5,000 kiiloomitir oo xeeb ah. Halka 120 milyan oo Itoobiyaan ahi ay dalbanayaan keliya 50 kiiloomitir. Haddii taasi aanay caddaalad ahayn, markaas caddaalad dunida kama jirto.”
1-dii Janaayo 2024, Abiy Ahmed iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wada saxiixay heshiis ku saabsan helitaanka 50 kilomitir oo bad ah— arrin dhalisay dood xooggan oo dhinacyada siyaasadda, sharciga, amniga iyo diblomaasiyadda ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in damaca Itoobiya ee helitaanka marin-badeedku uu taabanayo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Doonista badda ee Itoobiya aya aha mid si weyn u saameyn karta xasilloonida gobolka iyo xiriirka dalalka dariska ah.
Su’aasha Abiy eee ku saabsan sida la isugu dheelli-tiri karo danaha juqraafiyeed, siyaasadeed iyo sharciyeed ee gobolka ayaa u muuqda mid lagu baneysanayo damaca Itboobiya ee badda cas.
