Warqad uu soo saaray kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa fadhiyada guud ee wadajirka labada Aqal looga joojiyay 19 xildhibaan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacay xarunta Golaha Shacabka intii uu socday fadhigii Baarlamaanka ee 2-dii Febraayo 2026.
Sidoo kale, warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ayaa fadhiyada ka mamnuucday Senatar Cabdi Cabdillaahi Xaashi.
2-dii Febraayo 2026, go’aan ka soo baxay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu joojiyay ka-qaybgalka fadhiyada qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka, kaddib buuq ka dhacay kulan wadajir ah oo la qabtay 28-kii Janaayo 2026.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa warqaddii 2da Febraayo golaha kaga mamnuucay 18 xildhibaan halka digniin kama dambeys la siiyay 12 xildhibaan oo lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen qalalaasaha.
Go’aan horay uga soo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa 12 kulan ka mamnuucay Senatarrada Leyla Nuur Maax iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ka-qaybgalka kulamada wadajirka ah, kaddib markii lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen xeer-hoosaadka intii uu socday kulankaas.
Sidaas darteed, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa si rasmi ah uga joojiyay fadhiyada 37 xildhibaan iyo 3 senatar, arrintaas oo la xiriirta buuqa iyo khilaafka ka dhashay doodaha wax-ka-beddelka dastuurka.
