Itoobiya ayaa 1-da Juun 2026 ah u dareereysa doorasho guud, iyadoo si weyn loo saadaalinayo in xisbiga talada haya ee Prosperity Party uu guul weyn ka gaaro codbixinta.
Xisbiga Abiy Ahmed oo loo saadaalinayo guul
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo xisbigiisa ayaa wajahaya mucaarad kala qeybsan, xilli dalka uu weli la daalaa dhacayo khilaafaad siyaasadeed iyo amni darro ka jirta qaybo kamid ah Itoobiya.
Malaayiin qof oo laga yaabo inaysan codeyn
Rabshadaha iyo colaadaha ka jira gobollada Amxaarada iyo Oromada, iyo sidoo kale saameynta kasoo hartay dagaalkii Tigrayga, ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in malaayiin qof aysan ka qeyb geli karin doorashada.
Caasimadda Addis Ababa, xisbiga talada haya ayaa xiray waddooyin waaweyn oo ay ku jirto fagaaraha Meskel Square, si halkaas loogu qabto isu soo baxyo taageerayaal ah.
Dhankooda, xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay u diidday inay qabtaan isu soo baxyo la mid ah kuwa xisbiga talada haya.
50 milyan oo qof ayaa isdiiwaangeliyay
Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa sheegay in in ka badan 50 milyan oo qof ay isu diiwaangeliyeen codbixinta, halka tirada guud ee shacabka Itoobiya lagu qiyaaso in ka badan 130 milyan oo qof.
Laakiin dadka dowladda dhaliila ayaa shaki geliyay tiradaas, iyaga oo ku doodaya in qaybo badan oo dalka kamid ah ay weli saameynayaan colaado iyo amni darro.
Doorasho si weyn isha loogu hayo
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa gudaha Afrika iyo caalamka, iyadoo la eegayo in ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah, iyo sida ay Itoobiya uga gudbi karto kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo tan qowmiyadeed ee dalka ka jirta.
Doorashadan ayaa u ah Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed tijaabo siyaasadeed oo muhiim ah, xilli dowladdiisu ay wajahaysa cadaadis gudaha iyo dibadda ah.
