Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay in ka badan 3,000 askari kala baxdo Soomaaliya, sida ay sheegtay Bloomberg.
Warbixintu waxay sheegtay in dagaallada iyo caqabadaha amni ee ka sii daraya waqooyiga Itoobiya ay dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku riixayaan inay qayb ka mid ah ciidamadeeda iyo awooddeeda milatari u weeciso dagaallada ay kula jirto kooxaha hubeysan ee gudaha dalka.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Geeska Afrika uu wajahayo xaalad amni oo xasaasi ah, iyadoo Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed si ay mas’uuliyad weyn uga qaataan sugidda amniga dalka.
Haddii qorshaha bixitaanka Itoobiya uu hirgalo, waxaa laga yaabaa inuu wax ka beddelo qaabka ay Itoobiya uga qaybqaadato amniga Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyad dheeraad ah ay u wareegi karto ciidamada amniga Soomaaliyeed.
