November 14, 2026

Muqdisho — Waxaa maanta oo Arbaco ah kulan wadajir ah yeelanaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo sii wada ka doodista cutubyada ugu dambeeya ee Dastuurka Kumeelgaarka ah. Qorshaha Baarlamaanka ayaa ah in toddobaadyo gudahood lagu soo gabagabeeyo doodaha ku saabsan cutubyada haray

Cutubyada 10-aad iyo 11-aad ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu qaybiyo xubnaha Labada Gole, si ay uga yeeshaan doodo iyo falanqayn qoto dheer. Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta si gaar ah diiradda u saaray qodobada ku jira labadaas cutub.

Bilowgii bishan, xubnaha Labada Aqal ayaa bilaabay ka doodista cutubyada 5-aad ilaa 9-aad, kuwaas oo la soo gabagabeeyay Axaddii la soo dhaafay. Hadda, Baarlamaanku wuxuu u gudbay laba ka mid ah saddexda cutub ee weli ka harsan qabyatirka Dastuurka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa hore u sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka oo qabyo ahaa tan iyo sanadkii 2012, si loo helo dastuur dhammeystiran oo saldhig u noqda nidaamka dowladnimo ee dalka.

Dhanka kale, Axaddii ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo la filayay inay xal ka gaaraan khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan kuwa la xiriira wax-ka-beddelka Dastuurka. Arrintan ayaa ka dhigaysa doodaha Baarlamaanka kuwo si weyn isha loogu hayo, maadaama ay ku soo beegmeen xilli khilaaf siyaasadeed uu taagan yahay.

Leave A Reply

Exit mobile version