November 14, 2026


Horraantii bishan, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa soo gaaray Caasimadda Muqdisho. Waxay qeyb ka ahaayeen wufuudda Golaha Mustaqbalka ee ka qeyb galaysay wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo mucaaradka — gogol ay hore u fidisay Xukuumadda Federaalka 19-kii bishii hore.


Kulamo isdaba-joog ahaa oo u dhexeeyay labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Ma jirto taariikh rasmi ah oo loo asteeyay wareeg cusub oo wada-hadallo ah. Labada dhinacna waxay soo kala saareen war-murtiyeedyo ay mid walba ku eedaynayso dhinaca kale.

Isniintii, Axmed Madoobe ayaa dib ugu laabtay Kismaayo. Halka Madaxweyne Deni uu weli ku sugan yahay Muqdisho. timaadadiisa ka dib ayuu yiri“Muqdisho meel uguma socdo.”
Deni ayaa kulamo lagu tilmaamay is-xogwareysi iyo wadatashi la galay qeybaha kala duwan bulshada Banaadir.

Haddaba, maxaa lagu fasiri karaa joogitaanka Deni ee Muqdisho xilli wada-hadalladii ay natiijo la’aan ku dhammaadeen?
Ma dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo qorsheysan baa?
Ma olole iyo diyaargarow la xiriira doorashooyinka 2026 baa?
Mise waa dadaal uu ku ballaarinayo saameyntiisa siyaasadeed?

Leave A Reply

Exit mobile version