Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in maamulkiisu uusan wax shaqo ah ku lahayn hanaanka wax-ka-beddelka Dastuurka, isla markaana uusan qeyb ka ahayn geeddi-socodkaas.
“Dastuurka meelaha la wareejinayo shaqo kuma lihin, qeybna kama nihin. Aadan Madoobe iyo Xasan Sheekh meesha ay la aadaan ayaan arki doonaa.” ayuu yiri Deni
Hadalka Deni ayaa imanaya xilli ay socdaan dooddo kulul oo la xiriira wax-ka-beddelka Dastuurka iyo habraacyada Baarlamaanka, iyadoo ay muuqato kala aragti duwanaansho iyo khilaaf ka dhex jira xubnaha labada aqal.
In ka badan 37 xildhibaan iyo 3 senatar ayaa laga ganaaxay Baarlamaanka, kadib markii ay ka horyimaadeen habraaca dib-u-eegista Dastuurka.
Ganaaxaasi wuxuu ka dhashay buuq iyo muran hareeyay doodaha wax-ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee dustuurka ku meel gaarka ah.
Doodahan waxay iftiiminayaan kala qaybsanaanta ka dhex taagan Baarlamaanka, iyo sidoo kale mowqifyada maamulada Puntland iyo Jubbaland ee ku aaddan dib-u-eegista Dastuurka — arrin weli xasaasi ka ah siyaasadda Soomaaliya.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay socdaan wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ay ajandahooda ku jiraan qodobada doorashooyinka iyo dastuurka.
