Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay dowladda Maraykanka siiso “fursad gaar ah” oo ay ku hesho macdanta dalka iyo inay ka dhisato saldhigyo ciidan, iyadoo ujeedadu tahay sidii loo heli lahaa aqoonsi caalami ah.
Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in maamulkiisu uu u furan yahay iskaashi istaraatiiji ah oo dhinacyo badan leh oo dhex mara maamulka Somaliland iyo Washington.
Wasiirka ayaa caddeeyay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Maraykanka siiso xuquuq gaar ah oo ku aaddan baarista iyo soo saarista macdanta, gaar ahaan Lithium-ka, oo lagama maarmaan u ah tignoolajiyada casriga ah iyo baytariyada baabuurta korontada.
Waxaa kaloo ay Somaliland soo bandhigtay in ciidamada Maraykanku ay saldhigyo ka samaysan karaan xeebaha Somaliland, gaar ahaan Berbera, si ay u kormeeraan amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.
Khadar Xuseen ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay dedaalka Somaliland ay ugu jirto inay adduunka ka iibiso muhiimadeeda juquraafi iyo khayraad, si loogu dhiirrado aqoonsi buuxa oo ay ka hesho beesha caalamka.
Somaliland waxay u muuqataa inay ka faa’iidaysanayso tartanka loogu jiro khayraadka dabiiciga ah ee u dhaxeeya quwadaha waaweyn sida Maraykanka iyo Shiinaha.
Ilaa hadda, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiis kasta oo lala galo Somaliland oo aan soo marin Muqdisho, iyadoo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida dalka.
