Madasha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shaacisay in bannaanbax nabadeed oo xiga uu ka dhici doono magaalada Muqdisho maalinta Sabtida ah ee 16-ka May 2026.
“Waxaan iclaamineynaa in bannaanbaxa nabadeed ee xiga uu dhici doono maalinta Sabtida ah ee 16-ka May 2026.” Warsaxaafadeed Madasha Mustaqbalka
Madasha ayaa cambaareysay tallaabooyinka uu Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ku hor istaagay bannaanbax nabadeed oo Axadii xubnaha Madashu ka abaabuleen magaalada Muqdisho.
Bannaanbaxaas ayaa lagu tilmaamay mid nabadeed oo looga gol lahaa in lagu muujiyo taageero loo hayo shacabka laga barakiciyey guryahooda si qasab ah iyo si ay Madashu ku tilmaantay sharci-darro.
Xaaladda Muqdisho ayaa wali si dhow isha loogu hayaa saamaynta ay dhaqdhaqaaqyadaan ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed ee caasimadda.
